Caluula, Oktoobar 21, 2024 –
Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Xiriirka Dadweynaha iyo Xuquuqul Insaanka, G/ Sare Cabdirisaaq Ismaaciil Xazsan (Darwiish) Ahna Gudoomiyaha Guddi gaar ah oo loo magacaabay kormeerka daah-furka nidaamka casriga ah ee Baarista dembiyada oo ay wehliyaan Ku-xigeenka Hoggaanka Baarista Dembiyada CID ee Dawlada Puntland, G/le Sare Abshir Hussein Said (Dabaylaha), Iyo ku xigeenka Hoggaanka Ciidanka ayaa si rasmi ah u furay tababar muhiim ah oo lagu baranayo nidaamka casriga ah ee baarista dembiyada.
Tababarkan ayaa lagu qabanayaa saldhigyada degmooyinka Baargaal, Caluula, Bareeda, iyo Murcanyo ee gobolka Raascasayr.
Ujeedka tababarkan waa in la xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha baarayaasha dembiyada ee saldhigyadaas, si ay ula jaanqaadaan hannaanka cusub ee baarista dembiyada oo casri ah. Dadaalkan wuxuu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo ay Dowladda Puntland ku casriyeynayso nidaamka baarista dembiyada, si kor loogu qaado hufnaanta iyo tayada adeegyada ammaanka ee bulshada.
Tababarkan ayaa sidoo kale xoogga lagu saarayaa sidii loo waafajin lahaa habraacyada baarista dembiyada ee deegaanka, iyada oo la isticmaalayo farsamooyin cusub oo lagu baaro dembiyada si waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, taasoo muhiim u ah xaqiijinta caddaaladda bulshada.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDAANKA BOOLISKA PUNTLAND