Puntland State Police

News

CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND OO GACANTA KUDHIGAY NIN DIL GAYSTAY.

WAR-SAXAAFADEED: CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND OO GACANTA KU DHIGAY EEDAYSANE LOO HAYSTO FAL DIL AH Garoowe, 13-ka Oktoobar 2026 – Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa gacanta ku dhigay eedaysane Mowliid Siciid Warsame (Dhakhare), kaas oo loo haysto inuu ku lug lahaa fal dil ah oo ka dhacay magaalada Garoowe. Falka

CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND OO GACANTA KUDHIGAY NIN DIL GAYSTAY. Read More »

Booliska Puntland oo ka digaya Khatarta Waddooyinka xilli Roobaadka

Garoowe, 13 Oktoobar 2026 – Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Laanta Nabadgelyada Waddooyinka, waxay shacabka uga digayaan khataraha ka dhalan kara safarrada waddooyinka waaweyn xilliga roobabka Dayrta. Darawallada iyo dhammaan dadka isticmaala waddooyinka waxaa si gaar ah loogu boorrinayaa inay ka taxaddaraan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka, maadaama roobabka iyo qulqulka biyuhu ay halis gelin karaan

Booliska Puntland oo ka digaya Khatarta Waddooyinka xilli Roobaadka Read More »

SHIRKA SARAAKIISHA SARE EE PUNTLAND OO GAROWE LAGA FURAY.

Garoowe, 01-Sep- 2026: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa guddoomiyey shir looga hadlay xoojinta amniga, horumarinta adeegga Booliska iyo dardar-gelinta hawlaha shaqo ee Ciidanka Booliska Puntland. Shirka waxaa ka qayb galay Taliye Ku-xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, Taliye Ku-xigeenka 2-aad, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir,

SHIRKA SARAAKIISHA SARE EE PUNTLAND OO GAROWE LAGA FURAY. Read More »

TALIYE KUXIGEENKA 2AAD EE BOOLISKA PUNTLAND OO TABABR USOOXIRAY CUTUB KATIRSAN CIIDANKA NABADGALYADA WADOOYINKA.

Carmo — September 30 Taliye Ku-xigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa tababar u soo xiray saraakiil iyo askar aqoonyahano ah oo loo tababaray shaqada iyo waajibaadka Ciidanka Taraafikada. Xafladda xiritaanka tababarka waxaa ka qaybgalay Taliyaha Nabadgelyada Waddooyinka Puntland, G/sare Cabdifitaax Siciid Sulaymaan, Taliyaha Kulliyadda Ciidanka Booliska ee Carmo, G/Sare

TALIYE KUXIGEENKA 2AAD EE BOOLISKA PUNTLAND OO TABABR USOOXIRAY CUTUB KATIRSAN CIIDANKA NABADGALYADA WADOOYINKA. Read More »

CIIDANKA NABADGALYADA WADOOYINKA PUNTLAND OO SHIL KA HOWLGALAY,

Carmo:- Ciidanka Booliska Qaybta Nabadgelyada Waddooyinka ayaa ka hawlgalay shil gaari oo sababay isku dhaca gaari nooca Probox ah iyo mooto Bajaaj, kaas oo ka dhacay degmada Carmo ee gobolka Bari. Shilka ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 qof kiiska shilka ayaa waxaa baaristiisa gacanta ku haya saraakiisha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee Dowladda Puntland, kuwaas oo

CIIDANKA NABADGALYADA WADOOYINKA PUNTLAND OO SHIL KA HOWLGALAY, Read More »

WAR-SAXAAFADEED

WAR-SAXAAFADEED Gaalkacyo: September 21, 2026: Ciidanka Booliska Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabtay koox hubeysan oo ka soo gudubtay xuduudka, kuwaas oo lagu qabtay Koontaroolka Koonfureed ee magaalada. Kadib qabashada, kooxdaha waxaa loo gudbiyay hay’adaha baarista ee CID-da Puntland, si loo xaqiijiyo xogta la xiriirta aqoonsigooda, xaaladdooda iyo sababta ay gudaha Puntland u soo galeen.

WAR-SAXAAFADEED Read More »

TALIYAHA CID PUNTLAND OO KORMEERAY SALDHIGYADA BOSASO.

Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Puntland, G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Taliye Ku-xigeennada Hoggaannada Ciidanka Booliska Puntland, ayaa kormeer shaqo ku tagay saldhigyada, laamaha iyo rugaha Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso. Kormeerka waxaa ku weheliyay Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Ilaalada Canshuuraha, G/Sare Ciise Axmed Maxamuud, iyo Taliye Ku-xigeenka

TALIYAHA CID PUNTLAND OO KORMEERAY SALDHIGYADA BOSASO. Read More »

TALIYE KUXIGEENKA BOOLISKA OO QAABILAY MASULIYINTA HAY,ADDA WADOOYINKA

Kusimaha Taliyaha ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) Cabdirisaaq Maxamed Xayir, iyo masuuliyiin ka tirsan Hay’adda. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray saameynta xilli-roobaadka iyo saadaasha cimilada ay ku yeelan karaan waddooyinka, isu-socodka gaadiidka,badbaadada bulshada iyo wadashaqaynta labada dhinac. Kulanka

TALIYE KUXIGEENKA BOOLISKA OO QAABILAY MASULIYINTA HAY,ADDA WADOOYINKA Read More »

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Punt land ayaa lakulmay masulinta Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA)

Kusimaha Taliyaha ahna Cabdirisaaq Maxamed Xayir, iyo masuuliyiin ka tirsan Hay’adda. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray saameynta xilli-roobaadka iyo saadaasha cimilada ay ku yeelan karaan waddooyinka, isu-socodka gaadiidka,badbaadada bulshada iyo wadashaqaynta labada dhinac. Kulanka waxaa ka qaybgalay Hoggaanka Ilaalinta Deegaanka Ciidanka Booliska Puntland, G/dhexe Faadumo Cabdiqaadir, Agaasimaha Waaxda Badbaadada Waddooyinka (Road Safety) iyo Madaxa Mashaariicda

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Punt land ayaa lakulmay masulinta Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) Read More »

Madaxa Warfaafinta Ciidanka Booliska Puntland oo kulan la qaatay hawl-wadeennada Xafiiska Warfaafinta

Madaxa Warfaafinta Ciidanka Booliska Puntland, Dhamme Farah Mohamed – Yemeni, oo uu weheliyo Xoghayaha Taliska Booliska, G/Dhexe Maxamuud Cabdiraxmaan, ayaa xarunta Taliska Booliska Puntland kulan muhiim ah kula qaatay hawl-wadeennada Xafiiska Warfaafinta Ciidanka Booliska Puntland. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo horumarinta hawlaha warfaafinta, tayeynta tebinta wararka iyo waxqabadka Ciidanka Booliska Puntland, iyo sidii

Madaxa Warfaafinta Ciidanka Booliska Puntland oo kulan la qaatay hawl-wadeennada Xafiiska Warfaafinta Read More »

Scroll to Top