

Garoowe: October 29, 2026: Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta amniga, iyo iskaashiga la xiriira la-dagaallanka dambiyada iyo isu-gudbinta dambiilayaasha iyadoo la raacayo sharciga.
Ciidanka Booliska Puntland waxaa ka go’an sugidda amniga iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo xasillooni waarta.
– DHAMMAAD –
