Puntland State Police

BOOLISKA PUNTLAND OO QABTAY GAARI KHAMRI WADAY.

WAR-SAXAAFADEED: CIIDANKA BOOLISKA GOBOLKA NUGAAL OO QABTAY KHAMRI IYO EEDAYSANE WADAY

Garoowe, 25-ka Abriil 2026: Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay Kontoroolka Bari ee magaalada Garoowe ku soo qabtay xaddi khamri ah, gaarigii lagu waday iyo eedaysanihii watay.

Goobta lagu soo bandhigay waxyaabaha la qabtay waxaa ku sugnaa Taliyaha Howlgallada Gobolka Nugaal, G/le Cabdiyare Juujuule, Taliyaha Saldhigga Dhexe iyo masuuliyiin kale.

Saraakiisha ayaa u mahadceliyey ciidankii fuliyey howlgalka, iyagoo sheegay in eedaysanaha iyo waxyaabaha la qabtay loo gudbin doono hay’adaha caddaaladda si sharciga waafaqsan looga qaado tallaabada ku habboon.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top