WAR-SAXAAFADEED: CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND OO GACANTA KU DHIGAY EEDAYSANE LOO HAYSTO FAL DIL AH
Garoowe, 13-ka Oktoobar 2026 – Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa gacanta ku dhigay eedaysane Mowliid Siciid Warsame (Dhakhare), kaas oo loo haysto inuu ku lug lahaa fal dil ah oo ka dhacay magaalada Garoowe.
Falka ayaa dhacay 11-kii Oktoobar 2026, agagaarka Suuqa Inji ee Garoowe, waxaana ku dhintay saddex qof, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.
Eedaysanaha ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay iska kaashadeen Talisyada Qaybaha Booliska Gobollada Nugaal iyo Sool, kaas oo ka dhacay deegaanka Jidhaan, oo u dhow Carooley, halkaas oo ciidamadu ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan.
Ciidanka Booliska Puntland waxay xaqiijinayaan in eedaysanaha loo gudbin doono hay’adaha sharciga, si kiiska loogu qaado habraacyada sharciga iyo garsoorka dalka.
— DHAMMAAD —
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland
* Twitter/X: https://x.com/Plpoliceforce
* Website: www.police.pl.so
* Email: media@police.pl.so
* WhatsApp: +252905811111
