Puntland State Police

BOOLISKA PUNTLAND OO LOO DHAGAXDHIGAY GURYO CUSUB.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa degmada Carmo ka dhagax-dhigay dhismaha 500 oo guri oo loogu talagalay Ciidanka Booliska Puntland kuwaas oo qayb ka ah qorshaha Taliska ee lagu horumarinayo daryeelka iyo xaaladaha nololeed ee ciidanka.
Dhismaha guryahan ayaa ah qorshe muhiim ah oo Taliska Ciidanka Booliska Puntland uu ku doonayo inuu ku taageero ciidamada iyo qoysaskooda korna loogu qaado xasilloonida nololeed dhiirrigelinta iyo daryeelka ciidamada u adeegaya amniga iyo nabadgelyada bulshada waxaa dhagaxdhiga ka qaybgalay Taliyaha Kuliyadda Carmo,Duqa degamada saraakiil iyo masuuliyiin kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in dhismaha guryahan uu yahay mid ka mid ah qorshayaasha mudnaanta leh ee Taliska isagoo tilmaamay in daryeelka ciidanka, hagaajinta noloshooda iyo wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan ay muhiim u yihiin horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Booliska Puntland.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in ay sii wadidoonaan qorshayaasha horumarineed tababarrada, tayeynta iyo daryeelka ciidamada si loo helo ciidan leh awood aqoon, hufnaan iyo adeeg bulsho oo wanaagsan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top