Garoowe, November 12, 2026: Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Maxamed Baarri Shire, ayaa shir-guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Hoggaannada Ciidanka Booliska Puntland, kaas oo uu goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta waxqabadka hoggaannada, xaaladda guud ee amniga Puntland, hawlgallada socda iyo dardargelinta waajibaadka shaqo ee ciidanka.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska ayaa kulanka ka jeediyey warbixin la xiriirta xaaladda amniga, hawlgalladii la fuliyey iyo dhacdooyinkii amni ee ugu dambeeyey, isaga oo adkeeyey muhiimadda kormeerka joogtada ah, hufnaanta shaqada iyo isla-xisaabtanka.

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamada joogtada ah ee Taliska Ciidanka Booliska Puntland, kuwaas oo lagu xoojinayo isku-duwidda hoggaannada, tayeynta shaqada iyo dardargelinta waajibaadka sugidda amniga.
– DHAMMAAD –
