Ciidanka Booliska Qaybta Gobolka Nugaal, gaar ahaan Saldhigga Dhexe ee Caasimadda Garoowe, ayaa gacanta ku dhigay laba gaari oo siday khamri, kuwaas oo kala ah Bajaaj iyo gaari nooca Probox-ka ah.
Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii ciidanku heleen xog amni oo la xiriirta ka ganacsiga iyo qaybinta maan-dooriyaha taas oo ay si degdeg ah uga jawaabeen kuna guuleysteen inay soo qabtaan labada gaari, ee khamriga siday iyo eedaysanaashii watay waxaana loo gudbin doonaa hay’adaha caddaaladda.

