Puntland State Police

SHIRKA SARAAKIISHA SARE EE PUNTLAND OO GAROWE LAGA FURAY.

Garoowe, 01-Sep- 2026: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa guddoomiyey shir looga hadlay xoojinta amniga, horumarinta adeegga Booliska iyo dardar-gelinta hawlaha shaqo ee Ciidanka Booliska Puntland.
Shirka waxaa ka qayb galay Taliye Ku-xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, Taliye Ku-xigeenka 2-aad, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir, Hoggaannada Ciidanka Booliska, Taliyeyaasha Qaybaha Gobollada, madaxda Waaxyaha, Laamaha iyo Fadhiyada Madaxa-bannaan ee Ciidanka Booliska Puntland.
Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda guud ee amniga Puntland, iyadoo Taliyeyaasha Qaybaha ay shirka ku soo bandhigeen warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee gobollada iyo hawlgallada ciidamada ka socda.
Taliyeyaasha Gobollada ayaa sidoo kale ka warbixiyey halka ay marayaan hawlgallada lagula dagaallamayo burcad-badeedda iyo dadaallada lagu xoojinayo sugidda amniga iyo ilaalinta xeebaha Puntland.
Hoggaannada Ciidanka Booliska DPL ayaa shirka ku soo bandhigay waxqabadka xafiisyada, guulihii la gaaray iyo warbixinnada guddiyada Hoggaannada ee loo kala diray deegaanada Puntland, kuwaas oo qiimeyn iyo dabagal ku sameynaya hawlaha Booliska.
Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray isbeddelka iyo horumarka ka muuqda Ciidanka Booliska Puntland muddadii u dambaysay, iyadoo Taliyaha Ciidanka Boolisku uu saraakiisha faray in la sii laba-jibbaareeyo dadaallada lagu horumarinayo adeegga Booliska, tayeynta ciidanka iyo xoojinta wada shaqaynta hay’adaha amniga iyo bulshada.
Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa adkeynaya dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara, adeeg Boolis oo tayo leh iyo ciidan leh aqoon, karti, anshax iyo diyaar-garow buuxa.
– DHAMMAAD –

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top