Carmo — September 30 


Taliye Ku-xigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa tababar u soo xiray saraakiil iyo askar aqoonyahano ah oo loo tababaray shaqada iyo waajibaadka Ciidanka Taraafikada.
Xafladda xiritaanka tababarka waxaa ka qaybgalay Taliyaha Nabadgelyada Waddooyinka Puntland, G/sare Cabdifitaax Siciid Sulaymaan, Taliyaha Kulliyadda Ciidanka Booliska ee Carmo, G/Sare Yuusuf Axmed, iyo saraakiil kale.
Intii uu tababarku socday, ciidanka waxaa lagu baray:
1. Xeerarka iyo shuruucda waddo-marista.
2. Maamulka gaadiidka.
3. Maareynta shilalka gaadiidka.
4. Maareynta ciriiriga iyo saxmadda gaadiidka ee magaalooyinka waaweyn.
5. Habka wanaagsan ee loola macaamilayo bulshada.
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha Ciidanka Taraafikada Puntland, si loo xoojiyo nabadgelyada waddooyinka iyo adeegga bulshada.