Puntland State Police

TALYE KU XIGEENKA BOOLISKA PUNTLAND AYAA KA QAYB GALAY KULAN LAAMAHA AMMAANKA IYO WARBAAHINTA

Garowe: Taliyaha ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen Caydiid Axmed Nuur ayaa maanta ka qayb galay kulanka Laamaha amaanka iyo warbaahinta.

Kulankan oo ah kii 8aad oo ay MAP qabato ayaa ujeedku yahay isku soo dhoweynta iyo xoojinta xiriirka shaqo ee ka dhaxeeya warbaahinta Iyo laamaha amaanka Puntland.

Shirka waxaa ka qayb galay Wasiirka Warfaafinta DPL,Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Puntland, Madaxda iyo masuuliyiinta warbaahinta iyo qareeno madax-banaan.

Taliyaha ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen Caydiid Axmed Nuur ayaa ka soo qayb galayaasha u iftiimiyay muhiimada uu kulankan leeyahay isagoo ku taliyay in wax ku ook ah laga soosaaro kulanka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

– DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top