Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa maanta waxaa kormeer iyo is xogwaraysi ku yimid Guddi kasocday baarlamanka puntland oo kamidah waftiga madaxweynaha dawlada puntland ee kormeerka shaqo kujooga magalada galkacyo
Gudigaan oo maanta kulan la qaatay Taliyaha qeybta booliska Gobolka Mudug G/sare Maxamud Cabdixakin Yusuf ayaa wuxuu ku saabsanaa oo diirada lagu saaray waxkaqabashada baahiyaha kajira Laamaha kala duwan ee booliska Gobolka mudug.
Taliyaha ayaa warbixino ka siiyay gudiga Xaalka guud ee gobolka mudug kiisaska iyo dambiyada ka dhaca gobolka iyo Maxabiista.Dilalkii ka dhacay iyo Howlihii ay qabteen Ciidanka Booliska Gobolka mudug.
Is xog waraysi dheer kadib Gudiga ayaa uga mahad celiyay Shaqada Ay ciidanka Boolisku u hayaan Gobolka kuna bogaadiyay Howlaha ay qabteen waxayna kula dardarmen sidii loo xoojin lahaa amaanka gobolka mudug