7-July-2024
Taliyaha Hogg Xiriirka Dadweynaha iyo Xuquuqda Aadanaha iyo Taliye Xigeenka Hoggaanka ayaa ka qayb galay Tabobarka Waccyigelinta iyo baraarujinta ardada Jaamacadaha Puntland oo lagu qabtay Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garoowe.
Tabobarkaan oo ay qabatay Rissaala fulinaysayna Mu’assasadda Al-Minhaaj ayaa ujeedadiisu ahayd kor u qaadista wacyiga dhalinyarada Jaamacada Puntland, sidii ay qayb weyn uga qaadan lahaayeen arrimaha Nabadgalyada, horumarinta Bulshada, Wacygelinta Dadweynaha iyo Dhawrista Xuquuqda Aaanaha.
Taliyaha iyo Taliye Xigeenka Hoggaanka oo halkaas kasoo jeediyey farriimo, Faritaano, war biximo iyo wacyigelinta Bolisaynta Bulshada ayaa Ardayda jaamacaduhu waxay fagaarahaas ku weydiiyeen 12 su’aalood oo la xariirta Adeegbixinta Boliiska, ku dhaqanka Shuruucda, Hannaanka dacweynta iyo Dacwo qaadista IWM.
Mas’uuliyiinta ayaa dhamaan su’aalahaas uga jawaabay Bulshada hanaan ay ku dheehan yahay Aqoon, waayo aragnimo, hufnaan iyo xog-ogaalnimo, saraakiisha Hoggaanka iyo Qaybaha Ardada ayaa si dhiiri gelin iyo dareen iskaashi Bulsho iyo Boliis leh ugu wadaagay muuqaallo kala duwan.
#FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.
Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7
– DHAMMAAD –
XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND.