Garoowe: 21 June 2024 : Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska DPL ahna Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka booliska S/guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa ka qayb galay xalay kulan ballaaran oo loogu Magac daray Barnaamijka farriimha faagaraha er booliska iyo bulshada.
Kulanka waxaa soo qaban qaabiyeen Naadiga Akhriska iyo Qorista G/Nugaal iyo Hoggaanka Xiriirka Dadweynaha iyo Xuquuqda Aadanaha Ciidanka Boliiska DPL.
Madasha oo ahayd mid balaaran waxaa ka qayb galay dhalinyarada Aqoon yahanka ah ee Puntland iyo Saraakiisha Ciidanka Boliiska waxa uuna salka ku hayay kor u qaadista Xiriirka Dadweynaha iyo Boliiska, tasoo looga gollahaa in si wadajir ah Boliiska iyo Bulshadu ay isaga kaashadaan Adkaynta Nabadgalyada, Xassiloonida Dalka, Dhawrista Shuruucda iyo kalsoonida Bulsho iyo Boliis.
Waxaa halkaas haddalo aad u muhiim ah kasoo jeedinyey Taliye Xigeenka 1’aad ahna kusimaha Taliyaha Ciidanka Boliiska DPL, Gen Caydiid Axmed Nuur, Madaxa Naadiga Akhrista iyo Qorista G/Nugaal Maxamed Axmed Dalmar (Maska), sidoo kale waxaa farriimo bogaadin, turxaan bixin, talo siin iyo tilmaamaha dhalliilo jira kasoo jeediyey qaybo badan oo ka mid ah Bulshadii kulanka kasoo qayb gashay.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland S/guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa gebagebadii,Waxa uu bulshada u ballan qaaday in Boliisku u furan yihiin shacabkooda, loona baahan yahay in bulshadu soo buuxiso kaalinteeda mugga weyn leh ee ka qayb galka Nabadgalyada.
~ DHAMMAAD ~
XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND
Twitter: www.twitter.com/Plpoliceforce
Website: www.police.pl.so
Email: info@police.pl.so