Puntland State Police

SHIRKA XOOJINTA AMNIGA GOBOLKA MUDUG OO LA QABTAY

Gaalkacayo:Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa ka qayb galay
kulan looga hadlayey Xoojinta Amniga Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.

Kulanka oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada waxaa gudoomiyay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise,waxaana looga hadlay sidii dib-u-eegis loogu samayn lahaa Howlaha amniga Gobolka Mudug iyo shaqooyinkii qabsoomay.

Shirka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland,uddoomiyaha Gobolka, Taliyaha qaybta gobolka Mudug,Taliye k xigeenka qaybta Gobolka Mudug,Duqa Gaalkacyo,Taliyaasha Saldhigyada Gaalakacayo iyo Saraakiisha heer Gobol.

Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

– DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND.

Scroll to Top