Bareeda, October 16, 2024:
Taliye ku-xigeenka Hoggaanka Baarista Dembiyada CID ee Dawladda Puntland G/Sare Abshir Siciid Xuseen oo uu wehliyo Taliyaha Qaybta Gobolka Raas Casayr G/le Sare Fuaad Mohamud Hussein ayaa si rasmi ah u daah-furay nidaamka casriga ah ee dembi-baarista Puntland.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay Taliye ku-xigeenka Hoggaanka Community Boliiska, Taliye ku-xigeenka Hoggaanka Ciidanka Booliska, Taliyaha Saldhigga Degmada Bareeda, iyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada.
Kulanka ayaa lagu daahfuray tababar loogu talagalay qaar kamid ah ciidamada booliska Degmada Bareeda, kuwaas oo ku shaqeyn doona hannaanka cusub ee Booliska.
Ugu horreyn, waxaa kulanka ka hadlay Taliyaha Qaybta Gobolka Raas Casayr, G/le Sare Fuaad Mohamud Hussein, oo soo dhaweeyay hanaanka cusub ee boolisku u guuray. Intaas kaddib, waxaa sidoo kale hadlay Taliye ku-xigeenka Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Dowladda Puntland, G/le Sare Abshir Hussein Said (Dabaylaha), isagoo carabka ku adkeeyay ahmiyadda uu nidaamkan cusub leeyahay iyo sida ciidamada looga faa’iidaysan karo.
Haddaba, nidaamkan cusub wuxuu muhiimad gaar ah siinayaa hufnaanta iyo tayada shaqada booliska si loo hubiyo amniga iyo ka hortagga dembiyada.
– DHAMMAAD –