Gaalkacayo-12-August l-2024:Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sareeye Guuto Mumin Abdi Shire oo safar Shaqo Ku jooga gobolka Mudug ayaa maanta kormeeray xarunta laanta ilaalinta Canshuuraha gobolka Mudug.
Kormeerka oo ujeedkiisu yahay ka war-qabka xaaladda ciidamadda ilaaladda cashuuraha iyo sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka socda waxaa ku weheliyay,ku xigeenka Hogaanka ilaalinta Canshuuraha Puntland G/sare Ciise Dubyar,waxaana halkaas ku soodhaweeyay Taliyaha laanta ilaalinta canshuuraha gobolka Mudug G/le Malable iyo saraakiil kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sareeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa warbixin ku saabsan habdami usocodka shaqada ka dhagaystay Saraakiisha Ilaalinta Canshuuraha,waxa uuna ku bogaadiyay shaqada adag ay bulshada u ahaayeen isagoo tilmaamay in ay sii laba jibaaraan.
Taliyaha ayaa sidoo kale dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhinayo xarunta ilaalinta canshuuraha si loogu adeego muwaadiniinta canshuur bixiyayaasha ah.
#FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.
Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7
– DHAMMAAD –
XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND.