Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland, S/Guuto Caydid Axmed Nuur, ayaa tababar muhiim ah u xiray 18 sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Ilaalinta Canshuuraha Gobolka Nugaal. Tababarkan oo diiradda lagu saaray kor u qaadista aqoonta, fahamka shuruucda iyo xeerarka dakhliga, kahortaga dambiyada lidiga ku ah maaliyada iyo tayaynta waajibaadka guud ee ciidanka boliiska dowladda Puntland.
Xiritaanka tababarka waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin:
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Axmed Jaa mac Jowle
Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha, G/Sare Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame.
Taliyaha Laanta Ilaalinta Canshuuraha Gobolka, Dhame Maxamuud Cabdiraxmaan Salaad (Miig)
Xisaabiyaha Gobalka Nugaal Mukhtaar Abdi Farax
Maamulaha Canshuuraha Bariga Gobolka Nugaal, Sharmaarke Maxamed Warsame
Saraakiil kale oo ka tirsan Booliska Puntland
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Axmed Jaamac Jowle, oo xiritaanka tababarka hadal ka jeediyey, ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Ilaalinta Canshuuraha shaqada adag ee ay u hayaan dalkooda. Wuxuu tilmaamay iney ku faraxsan yihiin tayeynta iyo aqoon kordhinta saraakiisha ilaalinta canshuuraha iyo doorkooda ilaalinta dakhliga qaranka. Agaasimuhu wuxuu ballan qaaday in Wasaaradda Maaliyaddu diyaar u tahay taageerada iyo dhiirrigelinta ciidanka.
S/Guuto Caydiid Axmed Nuur, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland, oo si rasmi ah tababarka u xiray ayaa amaanay shaqada ay Ciidanka Ilaalinta Canshuuraha ka hayaan wax-soo-saarka iyo kobcinta dakhliga. Wuxuu ku booriyey inay tababarka iyo aqoonta ay qaateen dalkooda iyo bulshadooda ugu shaqeeyaan, isagoo carrabka ku adkeeyay in shaqsiyaadka sida wanaagsan uga shaqeeya dalka,dada iyo diinta lagu abaal-marin doono.
Taliyaha ayaa hogaanka ilaalinta canshuuraha iyo saraakiisha Gobalka Nugaal ku amaanay isbadalka muuqda ee ay ciidanka kusameeyeen taas oo hal beeg u ah siyaasada ciidanka boliiska dowlada Puntland.
FIIRO GAAR AH
Haddii aad hesho xog ku saabsan falal amni-darro ama aad aragto wax khatar gelin kara amniga gudaha Puntland, fadlan la xiriir Ciidanka Booliska Puntland.
Wac: 999 haddii aad warbixin ka bixinayso dembi socda ama haddii aad ku jirto xaalad khatar degdeg ah. Adeeggan wuxuu shaqeeyaa 24/7.
— DHAMMAAD —
Xafiiska Warfaafinta
Ciidanka Booliska Puntland