05-September-2024
Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo uu weheliyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gobolka Bari G/Sare Barkhad Cabdulaahi Yuusuf iyo Taliye ku xigeenka Qaybta gobolka Bari G/dhexe Khaalid Ukun, ayaa gudoomiyay shirka khamiislaha ah ee amniga Gobolka.
Shirka waxaa ka qayb galay Saraakiisha ciidamada qalabka Sida ee Gobolka Bari sida PMPF,Daraawiishta iyo Booliska.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta Amniga la dagaalanka hubka sharcidarada ah,la dagaalanka Muqaadaraadka iyo adkayd amniga Kontoroolka laga soo gallo Magaalada Boosaaso Maadaama ay dadku dib ugu soo noqonayaan Magaalada Boosaaso oo xiligii xagaaga gebogebo yahay.
Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.
Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7
– DHAMMAAD –
XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND.