Puntland State Police

WAR-SAXAAFADEED: Xaalada Degmadda Shaxda

WAR-SAXAAFADEED – CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND

Qardho, 23 May 2025: Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, Gashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa gaaray degmada Shaxda ee Gobolka Karkaar, kaddib markii la helay xog sugan oo muujinaysa in kooxo maleeshiyaad hubeysan oo sheegtay inay kasoo jeedaan deegaanka Taleex ay si dhuumaleysi ah kusoo galeen degmada.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu si adag ugu digayaa isku day kasta oo lagu carqaladeynayo amniga degmada.

Maleeshiyaadkii waa laga saaray degmada, waxaana hadda xaaladda degmada Shaxda ay tahay mid deggan, iyadoo si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Booliska.

– DHAMMAAD –

Wixii Faahfaahin Dheeraad ah kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland
Twitter: @Plpoliceforce
Website: www.police.pl.so
Email: media@police.pl.so
WhatsApp: +252 905 811111

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top