Puntland State Police

Madaxweyne Deni oo kormeeray dhismaha cusub ee Taliska Booliska

Garoowe: 14 June 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray dhismaha cusub ee Taliska guud Ciidanka Booliiska Puntland iyo Saldhigga Dhexe ee Degmada Garoowe, kuwaas oo haatan maraya heer gebogebo ah.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Taliye Ku-xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska Puntland Gen Caydiid Axmed Nuur iyo Injineerada dhisaya Taliska Guud ee Ciidanka Booliska iyo saldhiga degmada Garoowe , isagoo boggaadiyey sida ay shaqadu u socoto.

Kormeerkan ayaa ka tarjumaya sida ay Dowladda Puntland uga go’an tahay tayeynta hay’adaha amniga, casriyeynta kaabeyaasha muhiimka ah, iyo xoojinta kala dambeynta iyo nabadgelyada bulshada.

 

Scroll to Top