CARMO – October 20, 2025:
Madaxweynaha Puntland, Mudane Said Abdullahi Deni, ayaa maanta booqasho ku tagay Dugsiga Carmo, halkaas oo uu kula kulmay ciidanka cusub ee tababarka ku jira, isagoo ku bogaadiyay sida hufan ee ay u gutaan waajibaadkooda tababarka.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay ciidankan u leeyihiin dhismaha dowladnimada iyo sugidda amniga, isla markaana ku bogaadiyay saraakiisha iyo taliyayaasha Booliska sida ay uga dhabeyeen balanqaadyadii hore.

Madaxweynaha waxaa wehliyay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Gen. Mumin Abdi Shire, iyo Agaasime Ku-xigeenka Ciidanka PMPF, Maxamuud Silaal Cumar. Taliyaha ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay halka uu tababarku marayo, ujeedada ciidanka loo tababarayo, iyo xirfadaha casriga ah ee lagu diyaarinayo.
Munaasabadda booqashada ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka kala socday labada gole ee dowladda, Taliyaha Kulliyadda, Duqa Degmada Carmo, iyo hoggaanno kale oo ciidan. Mas’uuliyiinta ayaa ku dhiirrigeliyay askarta cusub inay sii wataan dadaalkooda tababarka, si ay u noqdaan ciidamo xirfad leh oo si hufan ugu adeegaya bulshada Puntland.
Booliska Puntland ayaa caddeeyay sida ay uga go’an tahay dhismaha hay’ado amni oo tayo leh, kuwaas oo awood u leh sugidda nabadda, ilaalinta sharciga, iyo difaaca bulshada, iyadoo qorshayaasha tababarka ciidankan cusub ay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu dhisayo ciidan casri ah oo u adeegta shacabka si cadaalad iyo kalsooni leh.
– DHAMMAAD-
Wixii faahfaahin dheeraad ah, kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland
📞 WhatsApp: +252 905 811111
☎️ Emergency: 999
📧 Email: media@police.pl.so
🌐 Website: www.police.pl.so
🐦 Twitter: @Plpoliceforce
