Puntland State Police

DIGNIIN RASMI AH: BOOLISKA PUNTLAND

Garoowe – 20 September 2025 – Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Laanta Ilaalada Waddooyinka, ayaa shacabka ku wargelinaya khataraha safarka waddooyinka waaweyn xilligan oo uu bilowday roobka Dayrta.

Waxaa si gaar ah looga digayaa meelaha ay ku yaallaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka, maadaama biyaha roobku halis ku yihiin darawallada, rakaabka iyo hantida.

Shacabka waxaa lagu boorinayaa:

• In darawalladu ka taxadaraan ka gudubka togagga iyo buundooyinka ay biyuhu ka buuxaan.

• In dadka degan meelaha ku dhow togagga iyo biyo-mareennada ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, isla markaana ilaaliyaan waayeelka, carruurta iyo xoolaha.

• In dhammaan shacabka ay raacaan tilmaamaha ciidamada booliska ee ku sugan waddooyinka.

Digniintan waa qayb ka mid ah dadaallada Booliska Puntland ee lagu xaqiijinayo badbaadada bulshada iyo ilaalinta hantida.

— DHAMMAAD —

Scroll to Top