Badhan, December 06, 2025: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Gen. Mumin Cabdi Shire, oo safar shaqo ku jooga gobolka Sanaag, ayaa maanta hoygiisa ku booqday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.
Booqashada taliyaha waxaa ku wehelinayay saraakiil ka tirsan taliska Ciidamadda, kuwaas oo qayb ka ah waftiga rasmi ah ee socdaalka ku maraya gobolka.
Kulanka oo ku dhex maray hoyga Suldaanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga gobolka, xoojinta wada-shaqeynta laamaha amniga iyo hoggaanka dhaqanka, iyo sidii loo sii adkeyn lahaa nabadda iyo kala dambeynta degaanka.

Taliyaha Booliska ayaa uga mahadceliyay Suldaanka doorkiisa muuqda ee nabadeynta bulshada, halka Suldaankuna uu bogaadiyay dadaallada Booliska ee sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga.
– DHAMMAAD –
