Gaalkacyo: Taliye ku xigeenka qaybta booliiska gobalka Mudug, Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Mudug, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha, Mudane Mohamed Hasan Hussein (Wallore), oo ay wehliyaan Duqa Degmada Gaalkacyo, Taliyaha Howlgalinta Gobolka iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha amniga gobolka iyo degmada, ayaa caawa kormeer amni ku sameeyay xaafadaha magaalada, suuqyada
ganacsiga iyo goobaha cibaadada inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta amniga, hubinta isu-socodka bulshada iyo ilaalinta goobaha ay dadku ku badan yihiin xilliyada cibaadada iyo ganacsiga habeenkii Ramadaanta. Mas’uuliyiinta ayaa indho-indheyn ku sameeyay xaaladda guud ee amniga, iyagoo warbixinno ka dhageystay saraakiisha iyo ciidanka ku sugan goobaha la kormeeray.
Mas’uuliyiinta ayaa ku booriyay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana ay ka feejignaadaan wax kasta oo lid ku ah nabadda iyo xasilloonida, si loo xaqiijiyo in bisha barakaysan ee Ramadaan ay ku dhammaato nabad iyo wadajir.
DHAMMAAD