Madaxa Warfaafinta Ciidanka Booliska Puntland, Dhamme Farah Mohamed – Yemeni, oo uu weheliyo Xoghayaha Taliska Booliska, G/Dhexe Maxamuud Cabdiraxmaan, ayaa xarunta Taliska Booliska Puntland kulan muhiim ah kula qaatay hawl-wadeennada Xafiiska Warfaafinta Ciidanka Booliska Puntland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo horumarinta hawlaha warfaafinta, tayeynta tebinta wararka iyo waxqabadka Ciidanka Booliska Puntland, iyo sidii loo dardargelin lahaa baahinta wararka, hawlgallada iyo guulaha ciidanka ee la xiriira sugidda amniga iyo u adeegidda bulshada.
Sidoo kale, kulanka ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqaynta hawl-wadeennada xafiisk.
Taliyaha Waaxda Warfaafinta Ciidanka Booliska Puntland, Dhamme Farah Mohamed – Yemeni ayaa ka warbixiyey kulanka iyo muhiimadda uu u leeyahay horumarinta hawlaha warfaafinta ciidanka.



