Garoowe, 09 May 2025 – Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa xaqiijiyey in laamaha amniga ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigeen eedaysane loo haysto fal dil ah oo ka dhacay magaalada Garoowe.
Falkaasi ayaa dhacay caawa oo ay taariikhdu tahay 09 May 2025, saacadda markay ahayd 07:45 habeenimo, waxaana uu ka dhacay jidka Sodonka, agagaarka shirkadda NEC ee magaalada Garoowe.
Eedeysanaha falka dilka ah loo haysto ayaa ciidamada ammaanku ku qabteen howlgal degdeg ah, waxaana uu haatan ku xiran yahay saldhigga Booliska.
Baaritaanka kiiskan waxaa si toos ah gacanta ugu haya Ciidanka Baarista Dembiyada (CID) ee Gobolka Nugaal, kuwaas oo wada baaritaanno qoto dheer si loo xaqiijiyo faahfaahinta dhacdada iyo cid kasta oo suurtagal ah in ay arrintan la xiriirto.
Warbixin dhameystiran oo ku saabsan natiijada baaritaanka ayaa la filayaa in la shaaciyo marka baaristu dhammaato.
– DHAMMAAD –
Wixii Faahfaahin Dheeraad ah kala Xiriir:
Dhamme Farah Mohamed – Yemeni madaxa Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland
Twitter: https://x.com/Plpoliceforce
Website: www.police.pl.so
Email: media@police.pl.so
WhatsApp: +252905811111