Qardho: 05 March 2026:Taliye ku-xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye guuto Cismaan Maxamuud Ciise ayaa furay tababar dib-u-xoojin (refresh training) ah oo loo qabtay ciidanka booliska qaybaha gobollada Mudug, Nugaal iyo Haylaan.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaraya dib-u-xoojinta aqoonta iyo xirfadaha aasaasiga ah ee shaqada booliska, si loo kordhiyo tayada iyo hufnaanta hawlaha ay ciidanku u hayaan bulshada.
Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka qayb galay Hoggaanka Xafiiska Ciidanka Booliska Puntland G/sare Cabdifitaax Aftaag, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka, Maamulaha dugsiga lagu qabanayo tababarka iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland.
Taliye ku-xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Puntland Sarrreeye guuto Cismaan Maxamuud Ciise ayaa xusay in tababarkan uu muhiim u yahay ciidanka, isla markaana looga baahan yahay inay si wadajir ah uga faa’iidaystaan aqoonta iyo xirfadaha lagu baranayo muddada uu socdo tababarku, si ay ugu adeegaan bulshada una xoojiyaan amniga.
– DHAMMAAD –