Puntland State Police

Tababarka loo soo xiray Saraakiil ka tirsan Hoggaanka Baarista Dembiyadda ee CID-d

Gaalkacyo, May 15, 2025: Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Hoggaanka Baarista Dembiyadda ee CID-da, ayaa tababar muhiim ah u soo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan CID iyo saldhigyada booliska Gobolka Mudug. Tababarkan oo socday muddo 3 cisho ah ayaa lagu bartay hanaanka loo qaado faraha eedaysanayaasha, habraaca baarista dembiyada ee CID, waajibaadka baarayaasha, iyo goobta dembiga.

Tababarkan ayaa qayb ka ahaa qorshaha kor loogu qaadayo xirfadaha baarayaasha si loo xoojiyo la dagaalanka dembiyada, iyadoo sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ilaalinta xuquuqda aadanaha inta lagu guda jiro baaritaanka. Saraakiisha ayaa lagu baraarujiyay in ay si hufan u maareeyaan dacwadaha loona maro hanaan cadaalad ah.

Xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Hoggaanka Taraafikada, G/sare Abdifatah Said Saleebaan iyo Taliye kuxigeenka Hoggaanka Baarista Dembiyada CID ee Puntland, G/le Sare Abshir Hussein Said.

Tababarkan ayaa horseedi doona in la helo baarayaal xirfad leh oo ka qayb qaata sugidda amniga iyo cadaaladda Puntland.

– DHAMMAAD –

Wixii Faahfaahin Dheeraad ah kala Xiriir:

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland
Twitter: https://x.com/Plpoliceforce
Website: www.police.pl.so
Email: media@police.pl.so
WhatsApp: +252905811111

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top