Garoowe – 19 May 2025: Taliye ku-xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Gen. Caydiid Axmed Nuur, ayaa qaabilay u qeybsanaha Qaramada Midoobay ee dhowrista Xuquuqul Insaanka marka ay socdaan howlaha la dagaalanka argagixisada, Mr. Ben Saul.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda dhowrista xuquuqda aadanaha xilliyada dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada. Waxaa sidoo kale laga dooday saameynta xasilooni darrada siyaasadeed ay ku yeelan karto ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyada oo la eegayo xaaladda adag ee siyaasadeed ee Soomaaliya ay haatan wajahday,waxaana Taliye ku xigeenka ku weheliyay Saraakiil katirsan Ciidanka Booliska DPL.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha ammaanka iyo Qaramada Midoobay si loo hubiyo in howlaha amniga lagu fuliyo si waafaqsan mabaadi’da xuquuqul insaanka.
Fadlan la soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland adigoo wacaya #999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii aad ku jirto khatar degdeg ah, 24/7.
— DHAMMAAD —
Wixii Faahfaahin Dheeraad ah Kala Xiriir:
Dhamme Farah Mohamed – Yemeni Madaxa Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland
Twitter: https://x.com/Plpoliceforce
Website: www.police.pl.so
Email: media@police.pl.so