Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Horumarinta Hoggaanka Dambi-baarista (CID) Puntland.
Shirka waxaa ka qayb galay Hoggaanka CID Puntland, G/sare Maxamuud Cabdi Xakiim Hogaanka Howlaha G/sare Cabdirisaaq Darwiish,Hoggaan Ku-xigeenka 2-aad ee CID, G/sare Abshir Xuseen Siciid madaxda waaxyaha Hoggaanka , iyo Taliyeyaasha Laamaha ee Gobollada Puntland.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo tayeynta shaqooyinka Hoggaanka CID, xoojinta wada-shaqeynta hoggaanka,saraakiisha CID, iyo sidii loo sii horumarin lahaa hab-raacyada dambi-baarista iyo adeegyada amni ee bulshada loo hayo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-xirka shaqada, aqoonta iyo hufnaanta howlaha CID, si loo xaqiijiyo amni iyo cadaalad wanaagsan oo bulshada Puntland u adeegta.




