Puntland State Police

Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababarka Dufcadda 12-aad ee Feyr-celinta Ciidanka Booliska Puntland.

Godod June 26, 2026: Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababarka Dufcadda 12-aad ee Feyr-celinta Ciidanka Booliska Puntland.
Mas’uuliyiintii ka qayb-gashay munaasabadda ayaa markii ay gaadheen Dugsiga Tababarka ee Godod waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Taliyaha Dugsiga Tababarka, G/Sare Cabdi Aadan Maxamed, oo maanta la wareegay ciidanka loo furay tababarka.
Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka qayb-galay Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska Puntland, G/Sare Zakariye Cabdiraxaaq Maxamed, Hoggaanka Ciidanka Booliska, G/Sare Cabdifataax Cabdiqaadir Axmed, Taliyaha Hawlgelinta Ciidanka Booliska Gobolka Mudug, Dhamme Carab Dhuubane, saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta iyo masuuliyiin kale.
Ciidanka maanta loo furay tababarka ayaa hore uga soo shaqeeyey gobollada Bari iyo Raas Caseyr. Tababarkan waxaa lagu xoojinayaa aqoontooda, xirfadahooda ciidan iyo waajibaadka ay u hayaan ilaalinta amniga Puntland.

Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa ciidanka ku adkeeyey inay si buuxda uga faa’iidaystaan tababarka, korna u qaadaan aqoontooda iyo xirfadahooda, si ay ugu diyaar garoobaan gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top