Puntland State Police

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire, ayaa guddoomiyay shirkii Khamiislaha ahaa ee Taliska Ciidanka Booliska,

Garowe:- Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire, ayaa guddoomiyay shirkii Khamiislaha ahaa ee Taliska Ciidanka Booliska, kaas oo ay warbixino ku soo bandhigeen hoggaannada iyo laamaha kala duwan ee ciidanka.

Shirka waxaa ka qayb galay Taliye kuxigeenka 1aad ee Booliska Puntland Sarreeye Caydiid Axmed Nuur,Hogaanada waxaana diiradda lagu saaray xaaladda amniga Puntland, howlaha maalinlaha ah ee ciidanka, iyo dardargelinta hirgelinta go’aannadii ka soo baxay shirarkii hore, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta sugidda amniga iyo tayeynta adeegyada ay ciidanku u hayaan bulshada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top