Garoowe, 04 July 2026:Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire,ayaa magacaabay Taliyaha Guutada Birmadka booliska DPL,Taliyaha ururka 1aad iyo Taliyaha Ururka 2aad.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Hoggaanka Ciidanka Booliska Puntland, oo tirsigeedu yahay HCB/X/04/2213/26, kuna taariikheysan 04/7/2026, ayaa lagu shaaciyey magacaabistan.
Taliyaha Ciidanka Booliska, isagoo tixraacaya danta shaqada, baahida amni iyo hufnaanta howlaha ciidanka, wuxuu
1:- Waxaa G/sare Jaamac Maxamuud Yuusuf loo magacaabay taliyaha guutada Birmadka Booliska DPL.
2:- Dhamme Cabdirisaaq Maxamed Dhanbaal waxaa loomagacaabay taliyaha ururka 1aad ee birmadka booliska DPL.
3:- Dhamme Cabdimudallib Cabdi Shire waxaa loomagacaabay taliyaha ururka 2aad ee birmadka booliska Puntland.
Sidaas darteed Fadhi walba Haka qabsado wixi ka quseeya Xil-Magacaabida sarakiishaas.
– DHAMMAAD –
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:Dhamme
Faarax Yamani Madaxa Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta Ciidanka Booliska Puntland
Twitter: @Plpoliceforce
See less

