Puntland State Police

Saraakiil katirsan Booliska Puntland oo kormeeray Dekadda Magaalada Boosaaso.

Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha Dowladda Puntland, G/Sare Cabdiwaaxid Cabdalle Warsame, Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland G/Sare Axmed Cabdi Sugulle, iyo Taliyaha CID-da Gobolka Bari Dhamme Maxamed Siciid Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay Dekedda magaalada Boosaaso.
Kormeerka oo ujeedkiisu ahaa u kuurgalidda habsami u socodka shaqada dekedda, ayaa waxaa masuuliyiinta ku soo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Dekedda Boosaaso Col. Warsame Axmed Shirwac iyo Maamulaha Kastamka iyo Furdooyinka Gobolka Bari Maxamed Yuusuf Madoobe.
Masuuliyiintu waxay kormeer ku mareen qaybaha kala duwan ee dekedda, gaar ahaan kaydadka, kastamka canshuuraha dekedda iyo haamaha shidaalka. Waxayna bogaadiyeen habsami u socodka shaqada dekedda, gaar ahaan dadaalka ay wadaan ciidamada qaabilsan ilaalinta amniga iyo canshuuraha.
Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland G/Sare Axmed Cabdi Sugulle ayaa saraakiisha faray in la joogteeyo adkaynta amniga, isla markaana la xoojiyo bixinta adeeg hufan oo waafaqsan waajibaadka shaqo.
 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top