Puntland State Police

Shir looga hadlayay amniga Gobolka Mudug

Gaalkacyo, March 14, 2026:  Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Cismaan Cigge, ayaa maanta shir-guddoomiyay Shirka Amniga Guud ee Gobolka Mudug oo ka qabsoomay magaalada Gaalkacyo.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Mudug, mudane Faysal Sheekh Cali (Jifo-jabsade), Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Mudug, mudane Maxamed Xasan Xuseen (Wallore), saraakiisha kala duwan ee laamaha amniga ee gobolka iyo degmada, iyo taliyaasha saldhigyada Booliska ee magaalada Gaalkacyo.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee Gobolka Mudug, iyadoo mas’uuliyiintu isla garteen in la xoojiyo dadaallada lagu sugayo nabadgelyada iyo xasilloonida, gaar ahaan xilliyada muhiimka ah.

Intii uu socday kulanka waxaa ka soo baxay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
In si buuxda loo mamnuuco hubka lagu dhex wato magaalada, ha ahaado mid qarsoon ama mid muuqda.

U diyaargarowga maalmaha Ciidda si loo xaqiijiyo amni buuxa inta lagu jiro dabaaldegyada.
Xoojinta roondada ciidamada amniga iyo dardargelinta la dagaalanka tuugada.
La dagaalanka kooxaha argagixisada iyo cid kasta oo khatar ku ah amniga.
Xoojinta ciidamada kala dhex jooga beelaha iyo dardargelinta dadaallada nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku nool gobolka.

Ugu dambayn, Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa ku booriyay ciidamada amniga iyo bulshada inay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Gobolka Mudug.

Scroll to Top