Puntland State Police

TALIYE KUXIGEENKA BOOLISKA OO QAABILAY MASULIYINTA HAY,ADDA WADOOYINKA

Kusimaha Taliyaha ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) Cabdirisaaq Maxamed Xayir, iyo masuuliyiin ka tirsan Hay’adda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray saameynta xilli-roobaadka iyo saadaasha cimilada ay ku yeelan karaan waddooyinka, isu-socodka gaadiidka,badbaadada bulshada iyo wadashaqaynta labada dhinac.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Hoggaanka Ilaalinta Deegaanka Ciidanka Booliska Puntland, G/dhexe Faadumo Cabdiqaadir, Agaasimaha Waaxda Badbaadada Waddooyinka (Road Safety) iyo Madaxa Mashaariicda Hay’adda Waddooyinka Puntland.
Kusimaha Taliyaha ahna Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, ayaa wadayaasha gaadiidka ugu faray inay xilliga roobaadka si taxaddar leh u maraan waddooyinka, ayna u hoggaansamaan tilmaamaha ciidanka nabad-galyada wadooyinka Puntland.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top