Puntland State Police

TALIYAHA CID PUNTLAND OO KORMEERAY SALDHIGYADA BOSASO.

Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Puntland, G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Taliye Ku-xigeennada Hoggaannada Ciidanka Booliska Puntland, ayaa kormeer shaqo ku tagay saldhigyada, laamaha iyo rugaha Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso.

Kormeerka waxaa ku weheliyay Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Ilaalada Canshuuraha, G/Sare Ciise Axmed Maxamuud, iyo Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Kormeerka Ciidanka Booliska Puntland, G/le Cabdirisaaq Axmed Jaamac (Wadani).

Ujeedada Kormeerka ayaa ah dardargelinta iyo toosinta shaqada, qiimaynta xaaladda amniga iyo u kuurgalka howlaha ay Ciidanka Boolisku ka wadaan magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Gobolka Bari.

Saraakiisha waxaa soo dhoweeyey Taliye Ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari, G/dhexe Maxamed Barish Ismaaciil, oo warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee la hirgeliyey iyo kuwa qorshaysan ee lagu xaqiijinayo amniga iyo kala dambaynta.

Sidoo kale, saraakiishu waxay warbixinno shaqo ka dhageysteen taliyeyaasha saldhigyada, laamaha iyo rugaha Booliska, iyagoo qiimeeyey habsami-u-socodka shaqada iyo adeegyada amni ee bulshada.

Saraakiishu waxay bogaadiyeen dadaallada Ciidanka Booliska Gobolka Bari, iyagoo ku dhiirrigeliyey inay sii laba-jibaaraan shaqada, xoojiyaan amniga iyo kala dambaynta, isla markaana si hufan ugu adeegaan bulshada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top