WAR-SAXAAFADEED
Gaalkacyo: September 21, 2026: Ciidanka Booliska Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabtay koox hubeysan oo ka soo gudubtay xuduudka, kuwaas oo lagu qabtay Koontaroolka Koonfureed ee magaalada.
Kadib qabashada, kooxdaha waxaa loo gudbiyay hay’adaha baarista ee CID-da Puntland, si loo xaqiijiyo xogta la xiriirta aqoonsigooda, xaaladdooda iyo sababta ay gudaha Puntland u soo galeen.
Arrintan waxaa si wadajir ah uga wada hadlay saraakiisha hay’adaha amniga ee Puntland iyo Galmudug, iyadoo la sameeyay is-dhaafsi xogeed iyo wada-shaqeyn ku saabsan xaqiijinta dhacdada iyo ilaalinta xasilloonida dalka.
Kadib dhammaystirka baaritaanka iyo xaqiijinta xogta la xiriirta dhacdada, kooxihii la qabtay waa la sii daayay.
Dawladda Puntland waxay adkeynaysaa in hay’adaha amnigu ay si joogto ah u gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga iyo sharci ee ku aaddan ilaalinta amniga, sugidda xuduudaha, ka hortagga falalka amni-darrada iyo dhowrista nabadgelyada shacabka.
Dawladda Puntland waxay sidoo kale ku boorrinaysaa bulshada in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta xaalad amni oo khatar gelin karta nabadda iyo xasilloonida bulshada.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska P
- HQ. Barxadda Area, Wadajir, Garowe, Puntland
- info@police.pl.so, commisionner@police.pl.so