Carmo:- Ciidanka Booliska Qaybta Nabadgelyada Waddooyinka ayaa ka hawlgalay shil gaari oo sababay isku dhaca gaari nooca Probox ah iyo mooto Bajaaj, kaas oo ka dhacay degmada Carmo ee gobolka Bari.
Shilka ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 qof kiiska shilka ayaa waxaa baaristiisa gacanta ku haya saraakiisha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee Dowladda Puntland, kuwaas oo wada hawlaha baaritaanka iyo xaqiijinta sababta shilka.
Taliyaha Qaybta Nabadgelyada Waddooyinka Puntland, G/sare Cabdifatax Siciid Salaeban (Afrikaan) ayaa wadayaasha gaadiidka faray inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah si looga hortago shilalka gaadiidka iyo badbaadinta nafta dadka.
~ DHAMMAAD ~

