Garoowe, 13 Oktoobar 2026 – Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Laanta Nabadgelyada Waddooyinka, waxay shacabka uga digayaan khataraha ka dhalan kara safarrada waddooyinka waaweyn xilliga roobabka Dayrta.
Darawallada iyo dhammaan dadka isticmaala waddooyinka waxaa si gaar ah loogu boorrinayaa inay ka taxaddaraan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka, maadaama roobabka iyo qulqulka biyuhu ay halis gelin karaan nolosha darawallada, rakaabka iyo hantidoodaba.
Boolisku wuxuu shacabka kula talinayaa:
* In aan la isku dayin gudbidda togagga ay biyuhu marayaan.
* In la yareeyo xawaaraha, lana ilaaliyo masaafada badbaadada.
* In la raaco talooyinka iyo awaamiirta laamaha amniga waddooyinka.
Badbaadadaadu waa mudnaanteenna. Ka taxaddar safarkaaga, naftaada iyo tan dadka kaleba badbaadi.
📞 Gurmadka Booliska: 999
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir Madaxa Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Ciidanka Booliska Puntland Dhamme Farah Mohamed – Yemeni
📧 Email: media@police.pl.so
🌐 Website: www.police.pl.so
🐦 X (Twitter): @Plpoliceforce
