Puntland State Police

Taliye kuxigeenka 2aad ee boliska oo lakulmay EUNAVFOR.

Bosaso – Taliye ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka socotay hay’adda EUNAVFOR iyo Booliska.
Kulanka ayaa looga hadalay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta dhinacyada, gaar ahaan la-dagaallanka burcad-badeedda, hubka sharci-darrada ah iyo guud ahaan falalka kale ee lidka ku ah amniga Puntland.
Taliyaha kulanka waxaa ku weheliyay saraakiil wuxuuna qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqaynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida Puntland.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top