Puntland State Police

TALIYAHA CUSUB EE DEGMADA GODOGOB OO XILKA LAWAREEGAY.

‎Taliyaha Hoggaanka Hawlaha Boliiska DPL G/Sare Cabdirisaaq Ismaaciil Xassan (Darwiish) iyo Taliyaha Hoggaanka Basrista Dembiyada Boliiska DPL G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf ayaa Xilka u kala wareejiyey Taliyihii Hore ee Saldhigga Boliiska Degmada Galdogon Xidigle Cabdirixman Yaasiin Xssan iyo Taliyaha Cusub ee Saldhigga Boliiska Galdogob L/X/Le Maxamed Cabdi Jiqe.
‎
‎Xil wareejinta ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Guddoomiye ku Xigeenka Degmada Galdogob, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada iyo Kaaliyaha Maxkamadda Degmada, Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ururka 105-aad ee Ciidanka Daraawiishta DPL Gaashaanle Farxaan Ibraahin Dirir (Baar daaq).
Madaxda kasoo qayb gashay Xil wareejinta ayaa Bogaadiyey Taliyaha Xilka Wareejiyey sidoo kalena la dardaarmay Taliyaha Cusub ee Xilka Tirsaday.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top